Halkaan ka akhri
Sida uu sheegay Wakiilka Midawga Africa ee Soomaaliya Mr. Jerry Rawlings in haddii uu khilaafka Madaxda Dowladda Soomaalidu uu sii socdo ay beesha caalamka kala laaban doonto taageerada ay siiyaan dawlada Soomaaliya.
Jerry Rawlings ayaa oo ah Wakiilka ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha wadanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda dawlada KMG ee Soomaaliya inay xaliyaan khilaafka dhexdooda ka jira.
Sidoo kale Jerry Rawlings ayaa wuxuu warbaahinta sheegay inay ka walaacsan yihiin khilaafka dhawrka jeer soo noq noqday ee ka dhex jira madaxda dawlada Soomaaliya waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in la dhameeyo.
Mudane Jerry Rawlings oo hadalkiisa sii wato wuxuu sheegay inuu dhawaan uu kala hadlay M/weynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya inay khilaafka dhameeyaan waxaana uu xusay inay arrintaasi wax u dhimayso dadaalada caalamku ugu jiro xal u helida rrimaha Soomaaliya.
Wakiilku wuxuu tilmaamay in haddii uu khilaafka sii socdo ay beesha caalamka kala laaban doonto taageerada ay siiyaan dawlada Soomaaliya.
Wakiilka ah arrimaha Soomaaliya ee Midawga Africa oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Ma jirto wax noo muuqda oo khilaaf keeni kara waxaana ugu baaqayaa labada dhinac inay khilaafkooda dhameeyaan”.
Si kasta ha ahaatee wakiilku wuxuu sheegay in shirka bisha soo socota lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho uu fure u yahay shirkii nabadda ee Jabuuti ka dhacay, wuxuuna tilmaamay in shirkaasi oo Q,M gar wadeen ka tahay ay ka soo bixi doonaan go’aanada kama dambeysta ah ee xalka lagu gaarayo.
SomaliSwiss Nairobi
Related articles
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Somalia:Guddoomiyaha Baarlamaanka: “Weli lama arkin anigoo magacaabayo Wasiir ama Garaaddo siinayo Generaallo” (laaska.wordpress.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya.(somaliswisstv.com)
Filed under: Nairobi |
You must be logged in to post a comment.