Halkaan ka akhri
War rasmi oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Md. ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegaya in Madaxweyne Geelle uu bilaabay dadaallo ku aadan sidii uu u dhexdhexaadin lahaa Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya.
Sida ay wararku ay sheegayaan waxaa Xarunta madaxtooyada Jabuuti shalay ka dhacay kulan dhex-maray Madaxweynaha dowladda jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxayna ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii meesha looga saari lahaa khilaafka hareeyay xukuumadda KMG ah.
War lagu Faahfaahin oo ka soo baxey kulanka labada dhinac ah ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu hor dhigay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ashtako la xiriirta waxyaabaha keenay khilaafka iyo dhinaciisa sida uu isagu u arko in arrinta loo maareyn karo.
Sidoo  kale war laga soo xigta ilo ku dhow dhow  xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed la filayo inuu u ambabaxo dalka Jabuuti, kaddib markii sida la sheegay uu u yeeray Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.
Hase yeeshee wararka waxay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Jabuuti uu u ololeynayo sidii labada mas’uul oo isku soo hor fariisin lahaa isla markaana khilaafyada u dhaxeeya ay uga gaari lahaayeen heshiis rasmi ah.
Si kasta arrintu ha ahaatee Khilaafyada u dhaxeeya labada Shariif ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya, iyadoo dadaalka Madaxweynaha Jabuuti uu ku soo beegmay xilli dhowaan shir ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya madaxda Soomaalida loogu jeediyay digniin ku wajahan haddii ay khilaafkooda uu sii socdo ay beesha caalamka kalsoonida kala noqoneyso.
SomaliSwiss     Jabuuti
Related articles
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah.(somaliswisstv.com)
Filed under: Djibouti |
You must be logged in to post a comment.