HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Waxaa Barakac baahsan uu ka socda Suuqa Bakaaraha, waxaana ganacsiga suuqaasi isu badalay maalmihii u dambeeyay goob dagaal oo madaafiicda iyo rasaasta uu bartilmaameed u noqtay.
Waxaa si aad ah u socda howlaha ay Ganacsatada alaabtooda uga raranayaan suuqyada kale waaweyn ee ku yaal degmooyinka Xamarweyne, Wadajir, Afgooye iyo Dharkenley.
Toddobaadkii hore ayaa waxay  ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku dhigeen albaabada laga soo galo Suuqa Bakaaraha kadib dagaal gaaban oo ay la galeen maleeshiyada Al-Shabaab kuwaas oo iminka intooda badan isugu ururay gudaha suuqaas, waxayna gabaad ka dhigteen daaraha dhaadheer ee Suuqdaas.
Waxaa la filayaa in xilli kasta dagaal fool-ka-fool ah inuu ka dhaca suuqa Bakaaraha, waxaana haatan dhinacyada dagaalamaya ay isku weydaarsadaan suuqaasi madaafiic.
Dadka aqoon dheer u leh habka dagaal ayaa ka digay dagaal culus oo lagu hoobto ka dhaca suuqa Bakaaraha, islamarkaana bur-bur xooggan loo geysta suuqaasi.
Hase yeeshee Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Soomaalida ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in suuqaasi xarun ciidan u yahay kooxda Al-Shabaab.
SomaliSwiss      Muqdisho
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya.(somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.