HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Waxaa Ururadda bulshadda Rayidka ah oo ka koobnaa deladda Bulshadda Rayidka ah ee Banadir, Haweenka Qaranka, Culumaa’udiinka iyo dhalinyaradda ay maanta Ciidamadda Xogga dalka Soomaliyeed ee ku jira jiidda hore ee dagaalka Gaarsiiyeen Sahay ka koobaneed, biyo nadiif ah, Timir, Buskud iyo waxyaabo kale oo aanan loogaga marmin nolosha qofka.
Sidoo kale Ururadasi Bulshadda Rayidka ah oo ay hogaminaayeen K/Gudomiyaha Haweenka Qaranka Soomaliyeed. Canab Xasan Cilmi, gudomiyaha majmaca culimadda Soomaliyeed Sheekh Axmed Dhicisoow, C/laahi Maxamed Nuur gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Soomaliyeed, Marwo Sahra Axmed Amiin, Jawahir Barqab iyo xubno kale, kuwasi oo ay halkasi ku soo dhaweeyeen sarakiisha ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kaga jira halkaasi gaar ahana degmadda Hodon ee magaladda Muqdisho.
Qeybaha kala duwan ee Ururadda bulshadda Rayidka ah ayaa waxay soo booqdeen goobihii cusbaa ee ay ciidamadda xoogga dalka Soomaliyeed ka saareen kooxdda Al-Shabaab, iyagoo ururadasi bulshadana ku booriyay ciidamadda in ay sii wadaan dagaalka ay ku bacsanayan kooxahasi oo ay sheegeen in ay qaribeen nolosha bulshadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale Masuuliyiinta Ururadda bulshadda raiydka ah ayaa waxa ay saraakiisha ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed ku amaneen dadaalka ay kaga xoreynayaan dalka kooxaha Ajaaniibta ah ee ku dhuumaaleysanaya guud ahaan dalka, kuwasi oo ay sheegeen in ay adeegsanayan
dhalinyarro Soomaaliyeed oo ay marin hababiyeen maskaxdana ka qaldeen, waxaayna saraakiisha ciidamadda ugu baaqeeyn in  dhalinyaradda la qalday inay ka soo baxsadaan, iyagoo sheegay inay u muujinaayaan naxariis si ay kuwa kalana ugu suurta gasho inay ka soo tagaan soona galaan goobaha ay dawladdu maamusho.
Mas‘uuliyiinta ururadda bulshadda Rayidka ah ayaa waxaay saraakiisha ciidamadda ka hor sheegeen in ay dhalinyaradda la qalday ee ay qaldeen shabaabka kuwa ka soo baxsadda ay u sameeyeen xero lagu dhaqaaleeyo laguna tarbiyeeyo si loogaga shubo wixii qwaladana ee lagu shubay waxaayna ka codsadeen.
Ugu danbeyntii ururadda bulshadda ayaa la sheegay markii ay  booqdeen goobahaasi waxay halkasi ku soo bandhigeen Gubaabo iyo buraanburo ay ku dhiiregelinaayeen ciidamadda dawladda ee ku sii siqaayay goobaha anan weli u suuragelin ay ay ka saaraan Kooxaha Al-Shabaab.
SomaliSwiss       Muqdisho
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya.(somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.