Â
Halkaan ka akhri
Kulan gaar ahaa oo xalay Magaaalada Narobi ay ku qaateen gudoomiyaha barlamanka iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ku dhamaaday is afahmi waa. Sida ay ku waramayaan ilo lagu kalsoonyahay, waxaa xalay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kulan looga hadlayay arimaha Soomaaliya ku yeeshay gudoomiyhaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.
Inkastoo kulankaasi uu ahaa mid albaabada u xiran hadana ilaha waxaa ay sheegayaan in gudoomiyaha barlamanka uu kasoo horjeestay shirka bisha June ka dhacaya Magaalada Muqdisho, wuxuuna gudoomiyaha carabka ku dhuftay in shirkaasi ay wadato Xukuumadda oo uu tilmaamay in u jeedka gaar ah ay ka leedahay sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna codsaday in shirkaasi lagu qabto meel Soomaaliya ka baxsan.
 Sid ay sheegeen warar hoose oo ay heshay Shabakadda SomaliSwiss, Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u xilsaaran arimaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in barlamanka KMG ah Soomaaliya uu xaq u leeyahay in uu qabto doorashooyinka oo uu tibaaxay Ergayga inay dhacayso xiligii loogu talagalay ee bisha Augusta.
 Markii uu soo dhamaaday kulanka Mahiga iyo Shariif Xasan ay ku yeesheen Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa uu gudoomiyaha barlamanka u dhaqaaqay dhanka wadanka Jabuuti oo uu casuumaad ka helay, waxaana la filayaa in gudoomiyaha halkaasi uu kulamo kula qaato Madaxda dalkaasi kuwaasi oo waxa ay kusaabsan yihiin aan la’ogayn.
 Shirkii ka dhacay Magaalada Nairobi 25-kii bishan ayay aheyd markii shir ay ka qeyb galeen Madax ka kala socota Qaramada Midoobay, dowladda KMG iyo Maamulada ka jira dalka loogana hadalayay arimaha Soomaaliya lagu go’amiyay shirka bisha June la qorshaynayo in uu ka dhaco Muqdisho kaasi oo marka laga tago gudoomiyaha barlamanka ay sidoo kale kasoo horjeesteen Maamulada Puntland iyo Galmudug.
SomaliSwiss       Nairobi
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
Filed under: Nairobi |
You must be logged in to post a comment.