Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dejiyey shaxdii lagu qaban lahaa Suuqa Bakaaro.

Halkaan ka akhri

Maalintii labaad ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka jirto Xaalad degenaansho, kadib dagaal culus oo jimcihii tegtay ka dhacay, ayaa hadana waxaa dhinac socda abaabulo ciidan oo xoog leh, kaasoo ay wadaan dhinacyada ku hardamaya Caasimada Muqdisho, iyadoo dadka reer Muqdisho ay dareemayaan gulufkii ugu xooganaa oo ay wado Dowladda KMG.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Aagaga la isku hor fadhiyo ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas aan badneyn, hase ahaatee wali waxaa jira xiisadihii dagaal ee ka dhaxeeyay dhinacyadaas, kaasoo daqiiqad kasta ka dhigi kara in dagaal uu ka dhex qarxo.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo todobaadkii u dambeeyay sameeyay dhaq dhaqaaq aan horay looga baran, kadib markii ay qabsadeen fariisimo ay horay u joogeen Shabaab, ayaa hadana Saraakiisha Ciidamada Dowladda waxay wadaan qorshayaal kale oo ay isku sii fidinayaan.

Balse sida la sheegay in dhaq dhaqaaqyo ciidan uu ka jira Xeryaha Milateriga ee Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, waxaana saraakiisha labada dhinac ay hada dajiyeen qariiradii dagaalka ee ay Caasimada ku qabsan lahaayen, waxaana hada kaartadaas dagaalka ay ku socotaa si tartiib ah.

Qorshaha dagaalka socda ayaa bilowgiisa hore yahay in lagu go’doomiyo Suuqa Bakaaraha oo hada Ciidamada Dowladda ay afar meelood, labo meel ay ka joogaan, kadib markii suuqaas dhankiisa Galbeed ay maalin ka hor ku durkeen Ciidamada Dowladda.

Waxaa kaloo jira qorshayaal kale ee soconaya oo ah mid Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay  ku doonayaan inay saldhigyo kaga dhigtaan Jidka Sodonka, iyagoo haatan si tartiib tartiib isugu xirtay Isgoyska Al-Baraka iyo KPP.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Brundi ayaa lagu arkay diyaar garow ballaaran, kadib markii jiidaha hore ee dagaalka ay qaab efandari ahaan u galeen, iyagoo Askarta Soomaalida la dagaal gelaya, taasoo lagu tilmaamay istitaatiijiyad cusub oo dhinaca dagaalka, kaasoo la isugu dhafayo.

Waxaa dadka ka faalooda dagaalka ay sheegayaan in magaalada Muqdisho qabsashadeeda sahal kuma imaan doonto, inkastoo Xarakada Al-Shabaab laga saaray dhufeysyo muhiim ugu ahaa difaacidooda, hadana awoodaha is bar bar socda ma ahan kuwo si dhaqse ah xaalka u soo afjari kara.

Si kasta ha ahaatee Xarakada Alshabaab ayaa Muqdisho Ciidamo gurmad ah soo geliysay, kaasoo ay doonayaan inay ugu babac dhigaan huwanta ku soo wajahan, balse dadka qaar ayaa sheegaya in Shabaab xilligan ay soo wajahday xaalado adag oo ay kow ka tahay dhaqaale yari iyo rasaasta oo gabaabsi ka ah.

Balse lama oga sida xaalka isku bedeli karo, iyadoo haatan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay diirada sii saarayaan inay sii qabsadaan goobo hor leh.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: