Al-Shabaab oo qiratay in looga adkaaday dagaalladii Muqdisho, loogana qabsaday fariisimo ciidan.

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ayaa si cad oo aan qaris lahayn u qiratay in lagu jabiyay Dagaalladii maalmihii ugu dambeeyay ku dhex marayay iyaga iyo ciidamada dowladda KMG ah, Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho taa oo looga qabsaday fariisimo badan oo muhiim ahaa ayna horey u maamulayeen xarakadaasi.

Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM ay uga adkaadeen dagaaladii maalmahaan dhacayay, loogana qabsaday fariisimo dhowr ahaa oo uu ka xusay meelo ka mid ah Jidka Wadnaha.

isagoo la hadlayay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayuu Afhayeenka xarakadaas ku faanay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay muddo dheer ku qaadatay sidii ay kusoo gaari lahaayeen Wadada Wadnaha, balse Al-Shabaab ay ku qaadatay wax aan ka badnayn 15-maalin oo ay ku gaareen Wadada Dabka.

Cali Dheere wuxuu sheegay in ay dagaalladaas ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Amisom uga dileen askar badan oo ay ka mid ahaayeen saraakiil sar sare, waa sida uu hadalka u dhigaye. Waa markii ugu horeysay ee si cad Al-Shabaab u qirataan in Dagaaladii ka dhacayay maalmahaan Hodan iyo H/Wadaag ay ku jabeen, isla markaana looga qabsaday fariisimo muhiim u ahaa xarakada Al-shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: