Dowladda Uganda oo ka digtay qaraxyo Al-Shabaab iyo Al-Qacida ay la damacsan yihiin ciyaaraha UEFA ee caawa ka dhacaya dalka UK.

Halkaan ka akhri

Dowladda Uganda ayaa ka digtay in Xarakada Al Shabaab ay damacsan tahay oo qorshaysay qaraxyo ay ka gaystaan goobaha caawa lagu daawan rabo Ciyaarta Faynalka ee UEFA Champion League taasi oo ka dhacaysa Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska.

Ciidamada booliska ee dalka Uganda ayaa ka digay weerar ay sheegeen in dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Al-qaacidda oo gaaray dalkaasi ay damacsanyihiin in qaraxyo ay la beegsadaan Taageerayaasha Isboortiga iyo goobaha la filayo in caawa lagu daawado Ciyaarta faynalka ee UEFA Champion League taasi oo u dhaxeysa kooxaha Manchester United iyo Barcelona islamarkaana ka dhici doontoa garoonka Wan-Play Istaadiyom Magaalada Lonodon ee dalka Ingiriiska.

Abbas Byakagaba oo ah Agaasimaha cutubka la dagaalanka Aargigixisada ee Ciidamada booliska Uganda oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay la socdaan qorshayaal Al Shabaab iyo Al-qaacidda ay ku doonayaan in lagu weeraro taageerayaasha Isboortiga gaar ahaanna Ciyaarta aadka u xiisaha badan ee la filayo in Caawa ay ka dhacdo Ingiriiska.

Ugandha waxay ka digtay in falalkaasi ay ka dhici karaan, waddanka Ugandha gudihiisa ama dalka Ingiriiska ama meelo kale oo caalamka ka mid ah, sida ay sheegtay waaxda la dagaallanka argagixixsada ee Ugandha

 Bishii July ee sanadka 2010-ka ayaa Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda waxaa laga fuliyay qaraxyo waawayn oo sababay geerida dad badan oo fiirsanayay Faynalka Koobka Aduunka oo ka dhacaysay dalka Koofur Afrika taasi oo ay Mas’uuliyadoodu sheegteen Xarakada Al Shabaab.

SomaliSwiss Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: