Wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya oo ka warbixiyay kulankii Xoghayaha guud uu kula yeeshay dalka Ethiopia Madaxda Afrika.

Halkaan ka akhri

Wasiirka arimaha dibadda ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa ka warbixisay kulan looga hadlayay arimaha dalka Soomaaliya oo ka dhacay Magalaada Addis’ Ababa ee dalka Ethiopia.

Max’ed C/laahi Owmaar oo shirkaasi u matalayay Soomaaliya wuxuu sheegay in Madaxdii ka soo qayb gashay ee ka kala socday Midowga Afrika iyo Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay Bank-Moon ay isku raaceen in lagu gacan siiyo dowlada KMG arrimo ay ka mid yihiin:

1 – In dowladdu la siiyo taageero hiil iyo hooba leh, si loo dhameeyo dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka soconaya gobolada dalka Soomaaliya.

2 – In la dhamaystiro dib u hishiisiinta iyo Dastuur u samaynta dalka Soomaaliya.

 Sidoo kale Wasiirka arimaha dibadda Xukuumadda KMG ah oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxaa wax laga waydiiyay waxa uu kala socdo xaaladda Soomaalida  ku nool dalka Yemen oo ay ka soconayaan banaanbaxyo wata rabshada ayaa waxaa uu sheegay in arintaasi ay wax bdan ka qabatay Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, isagoo tilmaamay inay jiraan Soomaalida badan oo ay ka qaadeen Yemen inkastoo uusan carabaabin halka ay geeyeen.

 Hase yeeshee magaalada Addis’Abbaba ee Xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa horey uga dhacay shirar badan oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo go’aanadii kasoo baxay wax ka dhaqan galay aysan jirin.

SomaliSwiss       Addis’ Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: