Shir ka dhacey magaalada Washington DC oo looga hadlayay Arimaha dalka Soomaaliya.‏

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Shir looga hadlayay Guud ahaan Arimaha geeska Afirca iyo Gaar ahaan kuwa Dalka Somaaliya ayaa ka dhacay maanta caasimada dalka Mareykanka ee Washington DC, kaasoo looga hadlay arrimo badan oo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen qaabka ugu haboon ee dalka Soomaaliya ay nabad uga dhalan karto iyo sida lagu gaari karo xal waara iyo arrimo kale oo ku saabsan qabashada doorashada madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisey  Hay’ad lagu magacaabo Atlantic Council, ayay kasoo qayb galeen Masuuliyiin ka kala socday hay’adaha dalka Mareykanka qaarkood, sida US Department of State, Africa Center of Strategic Studies, Foreign Policy, Congressional Research Service, Constituency  of Africa , US  African Command, Center for Security Policy ,Global Companies  iyo Diplomasiin kale, Waxaa shirakaas si gaar ahaaneed lagu cusuumey xubno Soomaliyeed, xubnahaas oo ay ka mid yihiin Dr. Farah Hassan Abdi – Chairman of Somali American Peace Development Reconciliation, Engineer. AbdiAziz Amalo – Preident of Uniteks , iyo Dr.  Osman M. Mohamed (Osman Shiino ) – Washington Area Representative  of Hiiran.

Waxaa shirkaas ka hadley  Dr. Gerard Prunier and Dr. J. Peter Pham oo ka hadlay Shirkaas ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay sidii loo qaban lahaa doorashada Madexweynaha Somalia  ee lagu wado in la qabto bisha August 2011 iyadoo la dhawrayo in doorashadaas ay si caadalad ah ku dhacdo.

Doorashadas oo  lagu qaban doono Caasimada Somaaliya ee Muqdishu, Waxaa sidoo kale xubnihii kale ee hadlay ay aad usoo dhaweeyeen in Rajada kaliya ee Somaliya ay ku heli karto midnimo iyo wada jir ay tahay Maamul goboleed, Gobolkastaana ama State kasta  uu u madaxbaan yahay inuu dhisto, kaasoo ah mida keliya oo Somalia ku gaari karto nabad iyo horumar.

SomaliSwiss Washingt0n DC

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: