Advertisements

Magaalada Sanca ee dalka Yemen oo la sheegay in ay ku go’doonsan yihiin Soomaali fara badan…

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa sheegaya in Soomaali fara badan ay ku go’doosan yihiin magaalooyinka ay iska horimaadyada iyo dagaalada kulul ay ka soconayaan maalintii saddexaad, kaasoo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Yemen iyo Maleeshiyada taabacsan Qabiilka ugu weyn ee dalkaas Saadaq Al-Axmar.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in dagaaladan ay ku sii fidayaan goobo hor leh, hase ahaatee wararka ayaa sheegaya inay ku dhinteen ilaa 50-qof, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah.

Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Sanca Xuseen Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalada ka socda Sanca uu ku dhintay wiil yar oo Soomaali ah oo ay haleeshay rasaasta la is weydaarsanayay, isagoo sheegay in ilaa 20-qoys ay ka soo barakaceen xaafadaha lagu dagaalamayo.

Dhanka kale Qunsulka wux uu sheegay in dadka barakacay qaarkood loo sameeyay Xarumo Kmg ah oo la dajiyay, waxaana uu ka deyriyay xaalada Magaalada Sanca oo uu tilmaamay in hadii ay dagaalada sii socdaan ay Soomaalida ku qasbanaan doonto inay isaga baxaan.

Sida la wada ogsoon yahay magaalada Sanca iyo magaalooyinka kale ee dalka Yemen ayaa waxaa ka jiray todobaadyadii la soo dhaafay banaan baxyo lagaga soo horjeeday Xukunka Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax, hase ahaatee xaalada ayaa mar kaliya is bedeshay markii uu bilowday dagaal gacan ka hadal ah.
Hase yeeshee dadka odorasa siyaasadaha Bariga Dhexe ayaa sheegaya in xaaladda dalka  Yemen ay ku socoto sida burburka dalka Soomaaliya.

Si kasta arrintu ha ahaatee waxaa dalka Yemen ku dhaqan boqolaal kun oo qoysas Soomaaliyed ah oo ka barakacay dagaalada ka jira dalka Soomaaliya, waxaana qoysaskaas isugu jiraan kuwo la dajiyay xeryaha qaxootiga, kuwa iska degan magaalooyinkaas oo heerkooda wanaagsan yahay iyo Arday fara badan oo wax ka baraneysa Jaamacadaha dalkaas.

SomaliSwiss       Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: