Halkaan ka akhri
Susana Rice oo ah Ergeyga Dawlada Maraykanka uga Wakiilka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso guulaha ay dhawaan gaareen ciidamada dawlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Midawga Africa ee AMISOM.
Ergeyga dawlada Maraykanka ee Q,M ayaa warbaahinta war kooban siisay, waxayna sheegtay in dowladda Mareykanka ay si taxadar leh u soo dhaweynayso guulo ay gaareen ciidamada dawlada KMG ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM.
Sidoo kale Susana Rice waxay sheegtay inay la socdaan hawlgalada ay samaynayaan ciidamada dawlada, waxayna tilmaantay in guusha ay gaareen ay muujinayso awood yarida Xarakadda Al-Shabab sida ay hadalka u tiri waxayna intaa ku daray inaysan wax walaac ah ka qabin in ciidamada is garabsanaya ay hawl galadooda ku fashilmaan.
Marwo Susana Rice oo ka hadlaysay arrintaas waxay Tiri: “Waa arrin lagu farxo warar aynu Muqdisho ka helayno waayo waxaa wiiqfmay awooda Al-Shabab dawladuna waxay awood u helaysaa inay amaanka sugtoâ€.
Dhanka kale waxay Susana ugu baaqday madaxda dawlada Soomaaliya inay dhameeyaan khilaafka dhexdooda ah, taasoo haddii ay sii socoto keeni karta inay saameyn ku yeeshaan hawlgalada socda.
Sida runta ah Dawladda Maraykanka ayaa waxay ka mid tahay dawladaha sida weyn u taageera siyaasadda dawlada KMG ee Soomaaliya iyo hawlgalka Midawga Africa ee AMISOM.
Hase yeeshee Ciidamada dawlada oo garab ka helaya kuwa Midawga Africa iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa dhawaan sheegtay inay guulo ka geereen dagaaladii Muqdisho ka dhacay kadib markii ay jireen fariismo Shabab ku lahaa hareeraha wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss      New York
Related articles
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya.(somaliswisstv.com)
Filed under: New York |
You must be logged in to post a comment.