Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo Maanta fariisimo cusub kala wareegay kuwa Al-Shabaab.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ay weheliyaan kuwa Amisom iyo Ahlu Sunna ayaa saakay la wareegay fariisimo cusub oo ay horay u joogeen ciidamada Al-Shabaab oo ku yaala Isgoyska Sheikh Cali Suufi ee xaafadda Kaasa Babalaare.

Bartqadii maanta ayaa dagaalo qaraar waxaa ay ka dhaceen xaafado kamid ah degmada Hodan, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocayadiisa kala duwan, waxaana la maqlayay daryanka madaafiicda iyo dhawaqa rasaasta oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac.

Ciidamada dowladda, Ahlu Sunna iyo Amisom ayaa hada gacanta ku haya xaafadaha Shiirkole, Sheikh Cali Suufi iyo agagaaraha Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana halkaasi booqday wariyeyaal kala duwan.

Saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa saxaafada kula hadlay Jiida hore ee dagaalka, waxaana ay sheegeen in ciidamada dowladda ay ku sii siqayaan jiidda Galbeed ee Suuqa Bakaaraha, iyagoo intaasi ku daray in ay jab xoogan u geysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab, sidoo kale waxaa saxaafada la tusiyay goobihii laga bixiyay ciidamada Al-Shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: