Taliska Ciidamada Booliska Uganda oo ku wargeliyay dadweynaha Uganda in ay ka feejignaadaan khataro dhinaca amniga ah.

Halkaan ka akhri

Taliska Ciidamada Booliska wadanka Uganda ayaa soo saaray warbixin la xariirta xaalad khatar dhinaca amniga la xariirta oo kooxaha argagixisada ah ay ka geystaan gudaha wadanka Uganda gaar ahaan caasimada wadankaasi ee magaalada Kampala

Sarkaal u hadlay Taliska Ciidamada Booliska wadanka Uganda wuxuu dadka wadanka Uganda uu ku wargeliyay inay ka foojignaadaan khatar kasta oo amniga la xariirta, isla markaana dadweynaha ay ciidamada kala shaqeeyaan sidii kooxahaasi ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Sidoo kale Gen. Iidi Skunda oo ah sarkaalka u hadlay Taliska Booliska wadanka Uganda ayaa sheegay in maamulka waxbarashada ay soo gaarsiiyeen fariimo iyo hanjabaado uga yimid kooxo ka tirsan xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacida sida uu sheegay sarkaalkaasi madaxa waxbarashada Dowladda Uganda ayaa taleefan laga soo wacay loogu hanjabay in qaraxyo laga geysan doono xarumaha waxbarashada dalkaasi.

Dhanka kale Dugsiyada wadanka Uganda ku yaalla oo dhowaan ardayda u fariisan doonaan imtixaanaadka sanad dugsiyeedka, ayuu Taliye Gen. Skunda sheegay in ciidamada amniga ay bilaabeen howlgallo lagu baadi goobayo kooxaha ku hanjabay inay geysanayaan weeraro qaraxyo ah ka geysanayaan goobaha waxbarashada ee ku yaalla magaalada Kampala.

Hase yeeshee  Gen. Iidi Skunda ayaa shacabka Uganda ku wargeliyay inay ciidamada amniga si degdeg ah u soo gaarsiiyaan haddii ay arkaan fariimo noocaas oo kale, isagoona sheegay inay howlgaladooda si gaar ah ugu beegsan doonaan Taleefanada gacanta, boorsooyinka ay dadku wataan iyo howlgallo kale oo ay uga hortegayaan ficil kasta oo kooxaha argagixisada ahi ku damacsan yihiin inay la beegsadaan goobaha ay dadka ku badan yihiin.

SomaaliSwiss      Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: