Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in shirkii Golaha Ammaanka ay la qaateen Madaxda Soomaalida uu ahaa mid wax ku ool ah.

Halkaan ka akhri

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa wax ku ool ah ku tilmaantay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Ammaanka ay la qaateen Madaxda Soomaalida, waxayna dowladdu ay sheegtay inay meesha ka baxeen kala aragti duwanaanshihii ku aadanaa marxalada kala guurka.

Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac  in waxyaabihii ka soo baxay shirka Golaha Ammaanka ay ahaayeen kuwo mira dhal u ah xalka Soomaaliya, isagoo rajo weyn ka muujiyay shirka dhici doona bisha June ee Xukuumada horay u iclaamisay.

C/kariin Xasan Jaamac oo ka mid ahaa Xubnihii Golaha Wasiirada ee ka qeyb galay shirkaas ayaa wuxuu Kulankaas ku tilmaamay inuu  ahaa mid ka soo baxeen natiijo wax ku ool ah, sidaas darteed ayuu yiri.waxaa meesha ka baxday kala aragti duwanaanshihii ku aadanaa marxalada kala guurka.

C/kariin Xasan Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in shirka June dhici doona ay ka qeyb gali doonaan Madax dhaqameedyada, Culumaa’udiinka, qeybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo sheegay in talada ka soo bixi doonta shirkaas uu noqon doono mid xal u ah umada Soomaaliyed.

Sidoo kale Wasiirka  oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiriri: “Shirka June ay horay xukuumada ku baaqday wuxuu yahay mid talada dadka soomaaliyed dib loogu noqonayo, qeybaha soomaalidana ay ku mideysan yihiin”, hase ahaatee wasiirku wuxuu  rajo ka muujiyay inay kulankaas ay ka soo baxaan go’aano dhaxal gal ah.

Si kasta ha ahaatee Golaha Ammaanka waxay sheegtay in kulanka bisha June  lagu qaban doono Soomaaliya gacanta loo geliyay howshiisa Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Augustine Mahiga, waxaana kulankaas natiijada ka soo baxday Wakiilka hor geyn doonaa Golaha Ammaanka.

SomaaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: