Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo lagu xareynayo dhaqaalihii ugu badnaa ee soo gala dowladda KMG Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa beryahan ku socday lacag dhigis ka timaada dhaqaalaha soo gala dowladda KMG Soomaaliya.

Dhaqaalaha ugu badan ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa iminka waxaa ladhigaa Bankiga dhexe ee dalka Soomaaliya oo isagu dayactir aar u xoogan lagu sameeyay.

Bankiga ayaa waxaa waardiya xoogleh ka haya ciidamo isugu jira Millitary iyo Boolis katirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Gudaha Bankiga ayaa waxaad ku arkeysaa qalab aad u casri ah oo loogu tala galay hadii ay tuugu ama dhicid dad sameynaya ay galaan, sidoo kale qolalka lacagta lagu xareeyo ayaa ah kuwa ka sameeysan Biro iyo Shub aad u adag iyadoo Qolalka qaar ee ladhigo lacagaha Qalaad ay yaalaan Qasnado aad u waaweyn oo iyagu aan halquf kaliya uusan furi karin.

Dadka Soomaaliyeed ayaa iyagu inta badan kawarheyn dib u howl gelida Bankiyada dalka Soomaaliya ee ku yaala magaalada Muqdisho, sawiradanna waxaan ugu tala galnay in ay xaqiiqsadaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha iyo dibeddaba.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSiss@hotmail.com

%d bloggers like this: