Shirkii madaxda Soomaalida ee ka socday Nairobi oo lasoo gaba gabeeyay iyo qodobo muhiim ah laga soo saaray.

Halkaan ka akhri

Waxaa lasoo gaba gabeeyay kulankii Qaramada Midoobay ay magaalada Nairobi ugu qabatay madaxda dalka Soomaaliya, kaasi oo looga halayay arimo fara badan oo quseeya Soomaaliya, iyadoo shirkaasi ay kasoo baxeen qodobo dhowr ah.

Galinkii hore ee maanta ayaa waxaa magaalada Nairobi ka furmay kulan ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo looga hadlayay xaaladda dalka Soomaailya, kaasoo caawa lasoo gaba gabeeyay.

Kulanka oo qaatay muddo dhowr saacadood ah isla markaana ay ka qeyb galeen Xubno sar sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, Madaxda dowladda KMG, Maamulada Galmudug, Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ay uga hadleen arimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya.

Waxaa galabta  Shir jaraa’id  oo loogu warbixinayey Kulankii madaxda Soomaalida ka dhacay xarunta xafiiska siyaasadda QM ee magaaalada Nairobi, waxaana Shirkaas jaraa’id  lagu sheegay in ay wakiillada golaha ammaanka isla arkeen sadex qodob oo kala ah:

1- Xalinta khilaafka madxda dowladda KMG Soomaaliya u dhaxeeya

2- Ilaalinta axdi qarameedka, iyo ku dhaqmidda shuruucda u degsan.

3- In shirka bisha June magaalada Muqdisho lagu qaban doono lagu go’aamiyo qaab siyaasadeedka uu dalku ku socon doono, uuna shirkaasi gacanta ku haayo xafiiska arrimaha siyaasada u qaabilsan QM, wixii ka soo baxana uu danjire Mahiga ula laaban doono golaha ammaanka.

Waxaa shirka jaraa’id isla qabtay:

Eregeyga joogtada ah ee dowlada Ingiriiska u qaabilsan golaha ammaanka Mr. Mark Lyall Grant, Ergeyga joogtada ah ee dowladda Koofur Afrika u qaabilsan golaha ammaanka Mr. Baso Sanguqu, iyo ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Augustine Mahiga.

SomaliSwiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: