Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in dadkii la socday diyaaradii siday lacagta ay Maxkamad soo taagi doonaan.

Halkaan ka akhri

Warka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in dadkii la socday diyaarad lacag u siday burcad badeeda Soomaalida ama u siday Al-Shabaabka ay Maxkamad soo taagi doono.

Sidoo kale Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa si rasmi ah u sheegay  inay gacanta ku hayaan ilaa saddex nin oo sida uu sheegay cadaan ah, balse heysta dhalashooyin kala duwan iyo waliba lacag dhan 3.6 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa maalinimadii shalay ciidamada ammaanka Dowladda KMG ah ay qabteen diyaarad lacag u siday burcad badeeda oo ka soo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa waxaa arrintaasi ka warbixiyay Afhayeenka ciidamada Booliska Dowladda KMG ah Col. C/llaahi Bariise, wuxuuna sheegay inay socdaan baaritaano la xariira kooxaha lacagta faraha badan u siday burcad badeeda.

C/llaahi Bariise oo ah Afhayeen Boliiska oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Marka ay dhammaadaan baaritaanada ku socda kooxaha ka dambeeyay lacagtaasi ayaan idiin soo bandhigi doonaa,” dhinaca kale C/llaahi Bariise wuxuu sheegay in duuliyayaashii diyaarada ay xabsiga u taxaabeen, isla markaana maxkamad ay soo taagi doonaan.

afhayeenka Booliska Dowladda KMG ah  wuxuu tilmaamay afhayeenka in diyaaradaasi lacagta saaran lagu wareejiyo diyaarad kale oo horay ugu sugneyd garoonka, balse ka timid magaalada Gaalkacyo si ay lacagtaasi ugu sii gudbiso burcad badeed afduub ku heysta markab madax furasho ahaan loogu siiyo.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: