Magaalada Nairobi oo uu maanta ka furmay shirweyne ay isugu imaadeen dowladda KMG ah iyo maamul goboleedyada Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ka furmay shirweyne ay ka wada joogaan Dowladda KMG ah, maamul goboleedyada Somalia  kuwaas oo maalinimadii shalay ahayd halkaasi gaaray.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Shirkan soo qabanqaabiyay, waxaana magaalada ku sugan madax sare oo ka socota QM isla markaana booqasho ku maraya wadamada geeska Afrika.

Danjire Augustin Mhinga oo ah Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid muhiim u ah Soomaalida oo dh,an isla markaana arrimaheeda khuseeya, wuxuuna sheegay in dhowaan kulan ka dhacay dalka Kenya lagu lafa guray arrimaha wadanka Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa  xalay magaalada Nairobi ka dhacay kulamo kala gooni gooni ah oo Madaxweyne Shariif iyo Guddoomiye Shariif Xasan ay la kala yeelanayeen xubnaha Golayaasha Dowladda ee kala taageersan labadooda, waxayna ka wada hadlayeen sidii dhinac kasta uu garabkiisa uga dhaadhicin lahaa ajandaha shirka QM ee maanta ka furmay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

SomaliSwiss         Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: