Waa sidee xaalada magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa Saakay ilaa xalay Rasaas goosgoos ah laga maqlaayey Aagaga Hodan iyo Howlwadaag kuwaas oo maalmahaan dagaalo ka jiray, waxaana la soo xaqiijanayo in ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay weli ku sugan yihiin wadada Wadnaha.

Hase yeeshee Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaan weli gelin suuqa Bakaaraha, inkastoo dhinaca suuqa lagaga soo ridayo xabado teel teel ah, Tangiga AMISOM ayaa weli taagan isgoyska Howlwadaag oo ku jeeda suuqa Bakaaraha, sidoo kale waxaa la ogyahay in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay gudaha suuqaas ka dhiganayaan gabaad.

Sidoo kale ciidamada  Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxay sheeganayaan in ay la wareegeen Xaafadaha Afrikan Village iyo guryihii Bankaariyada ,halkaas oo ay kala wareegeen ciidamada Alshabaab oo ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay.

Xaaladaha Aagaga dagaalka ayaa ah kuwa mar kasta is badalo laga filan karo, iyadoo guulaha ay gaarayaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay yihiin kuwa is daba yaal oo mar kasta ay ku sii siqayaan fadhiisamada ciidamada Alshabaab.

Dhanka kale dagaalkaan ayaa ahaa mid ay ciidamada xarakada Al-shabaab ay ku soo qaadeen fadhiisamada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin wasaaradii hore ee Gaashaandhigga, kaas oo ay markii hore lagala wareegay ciidamada Alshabaab.

Balse waxaa lagu soo warramayaa in dagaalkan laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana ilaa xalay la maqlayey duqeyn culus oo ay labadaba dhinac is dhaafsaneyeen waxaanse ilaa hada la ogeyn khasaarihii ka dhashay dagaalkan.

Si kasta ha ahaatee Aaga Wasaaradii hore ee Gaashaandhigga  ayaa ahaa maalmihii la soo dhaafay mid aan ka jirin dagaal, balse wuxuu ahaa meel  ay isku horfadhiyeen labada dhinaca lana filan karay inuu xilli kasta uu dagaal ka qarxo.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: