Halkaan ka akhri
Tasliska Ciidamada Boliiska ee dalka Kenya ayaa sheegay gacanta ku dhigeen 3-qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab islamarkaana xiriirka la leh Ururwaynaha Al-qaacidda.
Ku xigeenka taliyaha Ciidamada Boliiska Philp Ndolo ayaa Saxaafadda u xaqiijiyay in ciidamada Ammaanka ee dalkaasi ay gacanta ku dhigeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab kuwaasi oo ay sheegeen inay ka qabteen bar Kontarool oo ku taala wadada isku xirta Xuduudaha ay wadaan Kenya iyo Soomaaliya.
Sidoo kale Taliye Ku-xigeenka ayaa sheegay in ragan ay asal ahaan kasoo jeedaa dalka Bangladesh, wuxuuna sheegay inay wataan Paasaboorada dalka Ingiriiska, wuxuuna intaasi raaciyay inay socdaan baaritaano lagu samaynaayo dadkan looga shakinsanyahay inay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab.
Taliye ku xigeenka Ciidamada Boliiska ee dalka Kenya oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Saddaxdan qof oo aan soo qabanay waxay dalka Kenya kasoo galeen Magaalada Mombassa, waan baaraynaa si aan u ogaano waxa ay Kenya ka qabanayeen iyo Paasaboorada ay sitaan, waxaana su’aalo waydiinaya ciidamada la dagaalama argigixisada ee dalka Kenya gaar ahan kuwa Magaalada Garisa”.
Hase yeeshee tan iyo markii la dilay Hoggaamiyihii Ururwaynaha Al-qaacidda Usama Binladin ayaa waxay dowladahaha Afrika ay bilaabeen inay sugaan amaanka dalalkooda iyagoo ka baqdin in qaraxyo laga geesto, iyadoo Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya uu horey ugu cago jugleeyay dowladaha Uganda iyo Burundi oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya.
SomaliSwiss Nairobi
Related articles
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Somalia’s al Shabaab threatens to attack Kenya. (somaliswiss.wordpress.com)
- Peninah Mwende Katuva : Kenya (kiva.org)
- Khalwale Re-takes His Seat in Ikolomani – Tribal and Presidential Implications?(africommons.wordpress.com)
Filed under: Nairobi |
You must be logged in to post a comment.