Halkaan ka akhri
Soomaalida ku dhaqan magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal shalay ka dhacay magaaladaasi ay ku dhinteen labo qof oo Soomaali ah halka in ka badan intaasina ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada Yeman ayaa lasheegay in ay sheegeen in wiilashaasi qaarkood ay ka qeyb qaateen iska hor imaadyada ka dhacay gudaha magaalada Sacna, ayna ka qeyb qaateen dagaalka, sida ay sheegeen.
Labada wiil ee geeriyootay ayaa la sheegay in mid kamid ah uu ahaa Arday wax ka barta gudaha magaalada Sanca, kaas oo lagu magacaabo Max’ed Xasan Cali, halka wiilka labaad ee geeriyooday magaciisa lagu sheegay C/fataax oo ay da’diisu aheyd 15-jir, sidoo kale waxaa jira wiil kale oo dhaawacmay kaas ooaan ilaa iyo hadaa lasoo sheegin magaciisa.
Wiilasha dhintay ee Soomaalida ah ayaa la gaarsiiyay Isbitaal wayn ee magaalada Sanc, waxaana ehalada mid kamid ah wiilashaasi ay u diideen ciidamada amaanka ee Isbitaalkaasi in ay kala baxaan meydka wiilkooda oo ay sheegeen ciidamadu inay ku wadaan baaritaano.
Qaxooti Soomaali ah oo aad u fara badan ayaa ku sugan danka Yemen, kuwaas oo intooda badan iminka ku dhibaataysan xerooyinka ku yaala dalkaasi, waxaana ay arintan kusoo aadaysaa xili Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax uu diiday in uu ka dago jagada Madaxtinimo ee dalkaasi, taasi oo kicisay dadweyne aad u fara badan, taas oo dhalisay in ay iska hor’imaadyo dhacaan.
SomaliSwiss Sanca
SomaliSwiss@hotmail.com
Related articles
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Yemen: Looks like Saleh is going to back out of the deal (iflizwerequeen.com)
- Yemen: Is the evasive Saleh transition deal about to happen? (shortformblog.tumblr.com)
- US & UK Ambassadors Evacuated from Embassy in Yemen (waronterrornews.typepad.com)
- ‘Will of the people’ – Clinton calls for change in Yemen (politico.com)
- Yemen’s leadership wants deal signed at public event(ctv.ca)
Filed under: Yeman |
You must be logged in to post a comment.