Afahayeenka dowladda KMG Soomaaliya oo warbaahinta uga warbixiyay safarkii ra’isal wasaare Farmaajo.

Halkaan ka akhri

Afahayeenka dowladda  KMG Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” oo wareysi siiyay Warbaahin Muqdisho, gaar ahaan Radio Muqdisho ayaa sheegay in R/wasaarahu  safarkii uu tagay dalka Mareykanka ay ku soo dhammaadeen guulo, wuxuu Golaha Ammaanka iyo madaxdii kale ee kulankaas ka qeyb gashay uu sharraxaad ka siiyay xaaladda waddanka Soomaaliya.

Sidoo kale Eng. Yariisow ayaa sheegay in R/wasaaruhu uu ergadii ka qeyb gashay shirkaas u sharraxay qoorshaha xukuumadda ee ku aaddan marxaladda kala guurka ah iyo waliba siyaasadda waddanka, wuxuuna ka warbixiyay horumarka laga gaaray ammaanka iyo dib u heshiisiinta ka socoto dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa sheegay in R/wasaaruhu uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Mareykanka, kuwaas oo uu uga warbixiyay xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta iyo sida ay xukuumaddu   ugu guuleysatay inay wax   ka badasho marxaladda uu dalka marayay iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Hase yeeshee Afhayeenku wuxuu hadalkiisa sii raaciyay in jaaliydaduhu ay sheegeen in ay taageero siin doonaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha iyo waliba dowladda si loogu guuleysto nabadeynta waddanka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: