Wasiirka gaashaandhiga oo ganacsatada Suuqa Bakaaraha uga digay in daarahooda ay Al-Shabab ka dhigtaan dhufeysyo.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda KMG  Soomaaliya ahna Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha uga digay inay san u ogolaan maleeshiyada Xarakada Al-Shabaab  in daaraha ganacsiga ee suuqaas ay xabado ka soo ridaan ama ay ka dhigtaan dhufeysyo.

Wasiirka oo wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da  wuxuu sheegay in Dowladda ay qorshe u dejisay Suuqa Bakaaraha, isagoo damaanad qaaday hantida taala in aan la boobi doonin, hase ahaatee Shabaabka ayaa waxaa uu ku eedeeyay inay suuqa ka dagaalamayaan.

Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada in kooxaha nabad diidka aysan u ogolaan inay qoryaha la fuulaan dhismayaasha ganacsiga, oo aan xabada nagala soo ridin”.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu tilmaamay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay guulo ka gaareen dagaalada, waxaana uu cadeeyay in Shabaabka ay ka qabsadeen wado halbowle ah, gaar ahaan wadada Wadnaha oo uu qeexay in Ciidamadooda ku sugan yihiin.

Waxaa kaloo uu sheegay Md. C/Xakiim Fiqi in awoodii Al-Shabaab ay wiiqantay isla markaana uu dhammaaday wakhtigoodii, sidaa daraadeed ayuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan hannaanka Dowladda KMG ah nabadda iyo amniga dib ugu soo celineyso, isagoona sheegay in ciidamada Dowladda aanay marnaba ka hari doonin haraadiga ciidamada Al-Shabaab oo ay sifeyn doonaan magaalada Muqdisho.

Dhanka kale mar wax laga weydiiyay Wasiirka qoorshaha ay ka damacsan yihiin suuqa ayaa sheegay in Ganacsatada iyo Dowladda ay iska afgarteen xaalada suuqa iyo sidii ammaankiisa loo sugi lahaa, waxaana uu tibaaxay in Ciidamo gaar ah ay u diyaariyeen.

Si kasta ha ahaatee hadalka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku soo aadaya xilli ay wali dagaalo ka socdaan hareeraha Suuqa Bakaaraha, iyadoo Xarakada Al-shabaab u muuqdaan inay ku fara adeegayaan sidii  suuqa Bakaaraha loogala wareegi lahayn.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Heesaha laba Shariif

HALKAAN KA DAAWO – PART 1

HALKAAN KA DAAWO – PART 2

%d bloggers like this: