Nawaaxiga Suuqa Bakaaraha oo Saaka markale ay ka bilowdeen dagaalo aad u culus.

Halkaan ka akhri

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka dib uga bilowday nawaaxiga Suuqa Bakaaraha, iyadoo dagaalka xoogiisa ka socdo wadada shirkadaha ganacsiga ee suuqaas oo labada dhinac ay isku weydaarsanayaan rasaas.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa  sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay fariisimo ka sameystay Jidka Wadnaha, gaar ahaan Isgoysyada Aadan Cadde, iyo Howlwadaag oo ku toosan wadada koowaad iyo labaad ee suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale Xarakada Al-shabaab ayaa dhankooda waxay dhufeysyo ka sameysteen Wadooyinka shirkadaha iyo jidacadayaasha gala, waxaana ay ka dagaalamayeen agagaarka Daarta Hormuud, iyo Telcom oo ay jawaano dhigteen.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaan wali gudaha u gelin suuqa, hase ahaatee Shabaab ayaa gudaha suuqa si aan gambad laheyn uga dagaalamaya, iyadoo la soo warinayo in rasaasta ku dhaceysa suuqa ay waxyeeleeyeen Fiilooyinkii Taleefanada iyo kuwa Korontada.

Ilaa iyo hada dagaalka ayaa xoogiisa laga maqlayaa Xaafadaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay si saf ballaaran ugu jiraan, iyagoo wehliya gaadiidka gaashaaman oo ay ka mid yihiin Taangiyada.

Suuqa weyn Bakaaraha ayaa sanadihii u dambeeyay waxay galeysay marxalado uga daran tii hore, iyadoo Suuqa noqday goob ay saameyn ku yeeshaan siyaasadaha is diidan ee dalka, waxaana dadka qaar ku tilmaameen inuu yahay suuqaas meel laga soo shido siyaasada Soomaaliya.

Xaalada Suuqa ayaa hada ah mid ku jirta jahawareer, kadib markii dagaaladii maalmihii u dambeeyay uu saameyn ballaadhan uu ku yeeshay, waxaana xaalkiisa u muuqataa mid fool ah.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa markii u horeysay muddo afar sano ah tagay Isgoysyadaas muhiimka u ah gelida Suuqa Bakaaraha, iyadoo dagaalo kula wareegay Wadada dheer ee Wadnaha oo halbowle u ah isu socodka qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kadib markii Xarakada Al-Shabaabka ay suuqaas dhufeysyo uga sameysteen, isla markaana ay rasaas ka soo ridayaan.

Sida la sheegay Ganacsatada Suuqa ayaa qaati ka jooga siyaasadda  ay la soo baxeen Shabaabka, baslse warar ka soo baxay Suuqa ayaa sheegaya in Al-Shabaab iyo  qaar ka mid ah ilaalada shirkadaha ganacsiga ay shalay isku dhaceen, kadib markii ay xoog isugu dayeen inay fuulaan daaraha, ayna saartaan qoryo, taasoo keentay in ilaaladii darahaas ay diidaan.

Hase yeeshee warar hoose ayaa sheegaya in Ganacsatada iyo Shabaabka ay haatan kala taagan yihiin qir iyo qir, kadib markii ay si cad ugu sheegeen inay Suuqa uga baxaan, hase ahaatee ay diideen, waxaana muuqata cabsi ah in daaraha ku yaala Bakaaraha ay waxyeeleeyaan rasaasta labada dhinac is weydaarsanayaan, waa  haddii  Xarakada Al-Shabaab ku adkeystaan inay fuulaan daarahaas, toosoo keeni karto burbur ku yimaado hantida iyo daaraha Suuqa Bakaaraha.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: