Midowga Afirka iyo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo isku afgartay in xayiraad lagu soo rogo Hawada iyo Badaha Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Kulan wadajir ah oo ay ku yeesheen Magaalada Addis’ Ababa ee dalka Ethiopia Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu xaqiijiyey in Qaramada Midoobay ay qoorshaynayso inay ku soo rogto dalka Soomaaliya xayiraad dhinaca Cirka iyo badda ah si looga hortago dagaalyahana Ajaaniibta ah ee galaya dalka Soomaaliya.

Midowga Afirka iyo xubno ka socda Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay isla afgarteen inay xiyiraad dhinaca badda iyo cirka ku soo rogaan Soomaaliya si  wax looga qabto xaaladda nabadgalyo ee sii xumaanaya ee ka jirta dalka Soomaaliya. 

Sidoo kale Midowga Afrika ayaa wuxuu wali dadaal ugu jiraa sidii lagu hergalin lahaa go’aanka kasoo baxya Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan xiyiraada lagu soo rigayo badda iyo cirka Soomaaliya si looga hortago in dagaalyahano Ajaaniib ah ay galaan dalka Soomaaliya.

 Dhanka kale Afhayeen u hadlay Midowga Afrika ayaa sheegay in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay si aad ah ugu walaacsan yihiin dagaalyahaanada Ajaaniibta ah ee kusii qul qulaysa dalka Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay Beesha Caalamka inay sii wadaan taageerada ay siinayan howlgalka ay Magaalada Muqdisho ka wadaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.

Hase yeeshee Go’aankan ayaa ku soo beegmaya waqti uu Magalaada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya qaarkood ay Ciidamada dowladda ay ka wadaan howlgallo ka dhan Xarakada Al-Shabab, itaaso ay beesha Caalamka horey u sheegtay inay ka baqdin qabti in dalka Soomaaliya uu hoy u noqdo Aargigixisada Caalamka.

SomaliSwiss     Addis’ Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: