Xaalad kacsan oo ka jirta qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho iyo Suuqa weyn ee Bakaaraha oo uu isugu uruuray dagaalka.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta laga dareemayaa xaalad walaahow ah oo aad u kacsan ee ka jirta qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoysyada Howlwadaag iyo Bakaaraha, kaddib markii shalay gelinkii dambe ay halkaasi ka dhaceen dagaallo fool ka fool ah la isuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic una dhaxeeyay ciidamada Dowladda oo kaashanaya AMISOM oo dhinac ah iyo xarakada Al-Shabaab, hase yeeshee waxaa sii kordhaya qasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaray madaafiic ku dhacday suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta lagu iibiyo badarka.

Sida lagu soo warrmay waxaa gabal dhicii shalay xoogeystay dagaalka, kaddib markii ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen ciidamada Al-Shabaab oo iyagu markaasi gudaha u sii galay suuqa Bakaaraha, taasi oo sababtay in rasaasta iyo madaafiicda ay isweydaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya ay saameyn ku yeeshaan dadka rayidka ah ee iyagu suuqaasi ka ganacsada amaba u soo dukaameysi tegaya.

Sidoo kale warku wuxuu intaasi ku darayaa in xalay fiidkii ay aad u kacsaneyd xaaladda isgoysyada Holwadaag iyo Bakaaraha, iyadoo wararku sheegayaan in ciidamada xarakada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen labada isgoys iyagoo ka soo weeraray ilaa saddex jiho, iyadoo ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay adeegsadeen hub wixii ay heli kareen, halkaasi oo ka dhacay dagaal socday muddo ka badan hal saac, inkastoo weli aanay jirin wax guul ah oo labada dhinac ay ka gaareen dagaaladii xalay.

Hase yeeshee waxaa ilaa iyo haatan la xaqiijiyey in 5-qof oo saddex ka mid ah ay rayid yihiin ay ku geeriyooday madfac ku dhacay qeybta galleyda lagu iibiyo ee suuqa Bakaaraha, iyadoo tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen madaafiic lala beegsaday suuqa, xilligaas oo ciidamada xarakada Al-Shabaab ay rasaas ka soo ridayeen halka loo yaqaano Eeyaha kana mid ah xeyndaabka suuqaasi.

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa dagaalo culus oo si goos goos ah wali uga socda degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, oo saaka ka qarxeen, iyadoo Saraakiisha Dowladda ay guulo ka sheeganayaan dagaalada ka socda hareeraha suuqa weyn ee bakaaraha.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in si rasmi ah isugu dhiririyeen Jidka Wadnaha, kadib markii dagaalkii saaka ay ku qaadeen tallaabo hor leh, waxaana Saraakiisha ay cadeeyeen in Ciidamada Dowladda ay isku xiran yihiin Isgoyska Florence ilaa Tarabuunka ee Jidka Wadnaha.

Wararka ay heleyso Shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya in rasaas ay ka socoto gudaha suuqa bakaaraha, halkaasoo ay ka soo ridayaan Shabaabka oo hada gudaha u galay suuqa, kadib markii Wadada Wadnaha ay ka gadaal ugu durgeen.

Ciidamada Dowladda ayaa la sheegayaa inay joogaan Masaajidka Macalin Biya Maalow oo ku yaala Laamiga Wadnaha, Isgoyska Howlwadaag, Aadan cadde, Xaruntii Ubka ee degmada Wardhiigle, Masaajidka Sh. Cali Suufi ee Isgoyska KPP iyo meelo ku dhirirsan Jidka Sodonka ee degmooyinka Hodan, H/wadaag iyo Wardhiigley.

Dad goob joogayaal oo ku sugan gudaha suuqa Bakaaraha oo ku jira dhismayaasha shubka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay joogaan Wadada Wadnaha, ayna u muuqdaan, iyagoo sheegay in rasaas ay uga soo dhaceyso dhanka suuqa, isla markaana Ciidamada Dowladda ay wadooyinka Koowaad iyo Labaad ee suuqa ay soo raacsiinayaan rasaas.

Ciidamada Dowladda ayaan gudaha u gelin suuqa, hase ahaatee waxaa muuqata in Ciidamada ay si rasmi ah u kubaareeyeen Suuqa, maadaama dhinacyadii looga galayay suuqa iyo wadada uu saarnaa ay Kubbaareeyeen, waxaana Saraakiisha Dowladda ay sheegeen in qorshooyin ay u diyaariyeen Suuqa.

 SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: