Halkaan ka akhri
Wasiirkii hore wasaarada garsoorka iyo cadaalada dowladda KMG Sheikh C/raxmaan Janaqow ayaa ka hadlay khilaafka ka sii daraya ee ka dhex taagan madaxda dowladda KMG.
Sida la sheegay waxaa maalinimadii shalay ahayd natiijo la’aan ku dhamaaday kulankii saddexaad ee ay isugu yimaadeen M/weyne Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo khilaafkooda cirka isku sii shareerayo.
Sidoo kale Sheikh C/raxmaan Maxamuud Faarax Janaqow ayaa sheegay in sababta keentay khilaafka bilawgiis ay tahay qodobo darstuur ah oo aan lagu dhaqmin.
Sidaas awgeed, arrimaha ugu muhiimsan oo ay isku khilaafsan yihiin madaxda dowladda ay tahay arrinta doorashada, waxaase uu sheegay Janaqow inay jiraan arrimo kale oo muhiim ah, una baahan in la xaliyo si loo soo afjaro khilaafaadka.
Dhanka kale Sheikh C/raxmaan Janaqow wuxuu hey’adaha federaalka kula taliyey inay dib ugu laabtaan dastuurka, lana ilaaliyo sharciga, isagoo carrabka ku adkeeyay in ay arrinta ka muragsan tahay dhinaca dastuurka oo qodobada qaar aan si wanaagsan loo faahfaahinin.
Ugu danbeyntii Sheikh Janaqow ayaa sheegay in aan la hor geynin golaha Baarlamaanka warqad uu soo qoray M/weyne Shariif, iyadoo ay jiraan arrimo kale oo is biirsaday kana dhigay arrinta wax adag oo xalinteeda aan sahlaneen.
SomaliSwiss     Muqdisho
Related articles
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- New Ethiopian ambassador welcomed in Mogadishu. (somaliswisstv.com)
- IIROSA appeals for aid to Somalia.. (somaliswisstv.com)
- Al-Shabaab Displays the Body of AU Soldiers. (somaliswisstv.com)
- Attacks draw new parallels between Libya and Somalia. (somaliswisstv.com)
- Kept in Chains: Mental Illness Rampant in Somalia (news.yahoo.com)
- Kept in chains: Mental illness rampant in Somalia(seattletimes.nwsource.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.