HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Munaasabada si fiican loo soo agaasimay oo  ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada sida masuuliyiinta Jaamacadaha, wax garad, ganacsato, dhalinyaro, haween, culumaa‘udiin iyo dhaqaatiir waxaana halkaasi laga jeediyay qudbado u badna soo dhaweynta xaruntan cusub ee lagu magacaabo abuu bashiir  volantry hosbitaal, kaasoo noqonaayo Isbitaal loogu adeegayo bulshada.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Cismaan Cali xalane oo ka tirsan waaxda maalgalinta Bankiga salaama wuxuuna sheegay  in dhismaha Isbitaalkan uu soo maray maraaxillo ka duwan, wuxuuna ugu horeyntii uu sheegay in Bankiga uu yahay Banki islaami ah, islamarkaana ay leeyihiin ganacsato  soomaaliyeed oo ugu tala galay in maal galiyaan dalkooda hooyo.
Dhanka kale waxaa munasabadaasi ka hadlay maamulaha isbitaalka abuu bashiir volantery hosbitaal, wuxuuna marka hore u mahad celiyay Salaama Bank oo gacan ku siisay dhismaha isbitaalka iyo shirkaddii dhismaha oo uu sheegay waqti kooban in ku dhisay,  kadib uu guda galay sida uu shaqeyn doono isbitaaka abuu bashiir waxa uu tilmaamay maamulaha in ay gacan siinayaan dadka indhoola yaasha ah iyo kuwa cuuryaamiinta in ay fisitadooda  lacag la,aan ka dhigayaan.
Hase yeeshee ma ahan markii ugu horeysay salaam somali bank ay maalgalin u sameyso goobaha  caafimaadka ee waxaa Isbitaalkan ka horreeyey dhismaha fiqi hosbitaal oo sidaan oo kale bankiga u maal galiyay, waxayna Mas’uuliyiinta Salaama Bank ay shaaca kas qaadeen inay sii wadi doonaan howlaha lagu taageerayo goobaha waxbarashada iyo caafimaadka iyo  cid kasto oo la timaada barnaamij macquul ah uu Bankiga uu diyaar la yahay maalgalin iyo maalgashi intaba.
SomaliSwiss    Muqdisho
Related articles
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- China calls for attacking Somali pirate bases(foxnews.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.