Midawga Africa oo ku eedeeyay QM. in ay ka gaabisay in gobolada ay ka taliyaan Al-Shabaab la cuna-qabateeyo.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Ururka Midawga Africa Ramtane Lamamra ayaa ku eedeeyay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay inay ka gaabiyeen in aagag diyaaradaha ka caagan laga sameeyo gudaha Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay gacanta ku hayaan Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab .

Sidoo kale Ramtane Lamamra wuxuu sheegay inay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay dhawr jeer u gudbiyeen codsi la mid ah kii ay Jaamacadda Carabtu ku dalbatay in aag diyaaradaha ka reeban laga sameeyo wadanka Libya hase ahaatee ay QM arrintaasi ka gaabsatay waxaana uu intaa ku daray inay su’aalo arrintaasi la xariira ay hor dhigeen xubno Q.M ka socda oo ay magaaladda Addis-Ababa kula kulmeen.

Gudoomiyaha golaha amaanka iyo nabad galyada ee Ururla Midawga Africa oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Dhawr jeer oo hore waxaan weydiisanay Q.M Golaheeda amaanka inay Soomaaliya ka sameeyeen goob duulimaadyada ka reeban mana aysan hir galin marka ma garan karo waxaa u diidan”, wuxuuna xusay Ramtane Lamamra in arrintaasi tahay arrin laga gaabiyay.

Sida la wada ogsoon yahay Golaha amaanka iyo nabad galyada Midawga Africa ayaa horey u soo jeediyey  in gobolada ay ka taliyaan Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya laga sameeyo aag diyaaradaha ka reeban si loo joojiyo taageerada ay helaan inkastoo codsiga Midawga Africa aan dhul laga qaadin, dhegahana laga fureystay.

SomaliSwiss     Addis-Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: