Halkaan ka akhri
Waxaa saakay ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir dagaal goos goos ah, kaas oo u dhaxeeyay dhinacyada isku hor fadhiyay maalmahan kuna dagaalamayay aagagaas.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Iska horimaadyada ay ka dhaceen nawaaxiga Mowlicii Macalin Nuur ee degmada Hodan, oo dhowaan ay qabsadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusuna iyo Xaafada Shanta-Geed ee degmada Howlwadaag.
Hase yeeshee Iska horimaadka saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu socday muddo daqiiqado ah ayaan la soo sheegin qasaare ka dhashay, hase ahaatee labada dhinac ayaa ahaa kuwo aagaga ay ku kala sugnaayeen maalmihii u dambeeyay rasaasta ay isku weydaarsanayeen.
Dhanka kale Ciidamada Dowladda KMG ayaa maalmihii la soo dhaafay horumar ka sameeyay dagaaladii todobaadkii hore ka dhacay degmooyinkaas, iyagoo kula wareegay fariisimo dhufeysyo ahaa oo ay lahaayeen Shabaabka.
Balse waxaa la sheegay in dagaalkii ka dhacay degmooyinkaas todobaadkii hore ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 25-ruux, halka boqol kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo qasaaraha ugu badan uu ka dhashay duqeyn arbacadii la soo dhaafay loo geystay suuqa weyn ee bakaaraha, halkaasoo in ka badan 15-ruux ku naf waayeen, 80-kalena ku dhaawacmeen.
SomaliSwiss    Muqdisho
Related articles
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- United Bank of India to rollout Cisco WAAS solution across 1,600 branches(blogs.cisco.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.