Maamulka SomaliLand oo sheegay inay macquul tahay in ay dib ula midoobaan Koofurta Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Maxamed Cabdullaahi Cumar, Wasiirka   arrimaha Dibadda ee Maamulka Soomaali land  oo saxaafadda kula hadlay dhowaan isagoo jooga, waddanka isu tagga Imaaraadka Carabta, caasimaddiisa  Abuu Dabay ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsanaa Xaaladaha Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland.

Wasiirka oo ka hadlayay waxa uu noqon karo mustaqbalka masiirka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay inay haatan yihiin laba dal oo walaala ah isagoo farta ku fiiqay in ay diyaar u yihiin in ay wada hadal la furan xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya si looga wada hadlo in mar kale ay suurta gal tahay midow labada dhinac dhex mara.

Hadalkan uu sheegey wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka la magac baxay Somali land ayaa u muuqanaya mid yiddi diilo hor leh u yeelaya rajadii laga qabay in maalin maalmaha ka mid ah ay wada hadlaan Reer Waqooyiga iyo Reer Koofurta lagana hadlo sidii dib loogu soo celin lahaa midowgii labada gobol ee Soomaaliya.

SomaliSwiss Dubai
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: