Halkaan ka akhri
Dadweynaha ku dhaqan degmooyinka ku yaala duleedka W/Muqdisho gaar ahaan  degmada Kaaraan iyo Huriwaa ayaa sheegaya inay arkeen diyaarado joog hoose ku socda oo dul heehaabayay hawada degmooyinkaas, kuwaas oo ay maamulaan xarakada Al-Shabaab.
Sida la sheegay diyaaradahaan ayaa maalintii labaad lagu arkay isla xaafadihii ay shalay hawadooda ku socdeen, iyadoona dadka degaanka ay sheegeen in ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab ay Gantaalo la dhaceen qaar ka mid ah diyaaradahaasi.
Sidoo kale Wararku waxaa la sheegay in diyaaradahaas joog hoose ku socdeen ay ahaayeen noocooda Helikobtar waxaana ku rakibnaa qoryaha darandooriga u dhaca iyo gantaalaha ridada dheereeya.
Dhanka kale waxaa lagu soo warramay in sidoo kale diyaaradahan lagu arkay xaafado ka tirsan Degmooyinka X/Weyne, X/Jajab, Shangaani, C/Casiis iyo degmooyinka ay maamusho Dowladda KMG ah, walow diyaaradahaasi ay hal mar duulimaad hoose ku mareen degmooyinkan.
Hase yeeshee ilaa iyo haatan lama oga halka ay diyaaradahaasi ka soo kaceen, hase yeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradahaasi ay ka soo duuleen maraakiibta ku sugan xeebaha geeska Afrika iyo Soomaaliya ee iyagu la dagaalama kooxaha burcad badeeda ah.
SomaliSwiss     Muqdisho
HALKAAN KA DAAWO WAREYSIGA FARXIYA FISKA
Related articles
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.