Dhaqaalihii Xarakada Al-Shabaab looga diri jiray Qurbaha oo ay istaajiyeen Maamul Goboleedyo.

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ayaa walaac tiro badan iyo wel wel ka muujisay maamul gobleedyada tirada badan ee sida isdaba jooga ah looga samynayo, qurbaha kuwaas oo saamayn ku yeeshay maamulkii xarkadu meelaha ay ka taliso iyo dhaqaalihii soo geli jiray.

Xarakada ayaa Geed Dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii ay uga hor tegi lahayd, maamul goboleedyada looga dhawaaqayo meelo badan oo Yurub ka mid ah oo ay ugu daran tahay Boqortooyada Ingiriiska, taas oo inta badan maamullada laga abaabulo.

Wakiillada Al-Shabaab iyo taageerayaashooda Qurbaha gaar ahaan Yurub ayay beryahaan dambe soo wajahday xaalad adag oo dhinaca dhaqaalaha ah, taas oo sabab looga dhigay inay istaageen dhaqaalihii Al-Shabaab ka heli jirtay qurba joogta oo ka istaagay meelaha maamullada looga dhawaaqay, sababo badan oo kala duwan dartood.

Waxaa haatan dalka Ingiriiska oo ugu wayn meelaha looga dhawaaqo ama laga abaabulo maamul goboleedyada, ka socda dagaal afka ah oo isugu jira, weerar iyo difaac oo looga hortegayo maamul goboleedyo kale oo looga dhawaaqo Gobollada ay xarakadu gacanta ku hayso, halka kuwa kale lagu dar dargelinayo samaynta maamulladaas ee dalka Soomaaliya.

Dagaallada oo isugu jira kuwa saxafadda laysu marinayo, kuwa si toos ah laysu arkayo iyo hanjabaado ayay u muuqataa inay ka faa iidi doonaan marka ugu horeysa shacabka Soomaaliyeed ee ay dowlad nimada iyo nolosha ka hor taagan yihiin Al-shabaab, halka dowladaha reer galbeedka ay iyaguna ka faa iidi doonaan in si sahlan ay ku ogaadaan ama gacanta ugu dhigaanwakiillada qurbaha u jooga Al-shabaab oo fashilmaya markii ay timaado maamul ku dhawaaqid.

SomaliSwiss Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: