Halkaan ka akhri
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowladda KMG ayaa waxay maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxayna soo dhaweeyeen baaqii ka soo baxay Qaramada Midoobay ee ahaa in aad dib loo dhigin doorashada.
Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay inay taageersan yihiin baaqaas, inkastoo ay ka soo horjeedaan M/weynaha iyo R/wasaaraha dowladda KMG ayna doonayaan in ugu yaraan sanad dib loo dhigo.
Sida la wada ogsoon yahay Madaxda dowladda KMG ayaa xilligan u dhaxeeyaa khilaaf faraha ka sii baxaya, waxaana ugu weyn arrimaha ay isku hayaan waqtiga rasmi ahaan la qabanayo doorashada iyadoo dhinac walba uu ku adkeysanayo rabitaankiis.
Dhanka kale waxaa maanta ku shiray magaalada Muqdisho Xildhibaano tiradooda gaarayso ku dhowaad 180 Mudane, waxayna sheegeen in aan loo baahneen haba yaraatee in dib loo dhigo doorashada, iyadoo gudoomiyaha baarlamaanka uuba sheegay in laga soo hormarinayo waqtigii loo qorsheeyay ee bisha August.
Waxaa xildhibaanada, dhinaca kale, eedeyn dusha ugu tuureen odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye waxayna ku eedeeyeen inay dhinac raaceen ka dib markii wada hadal ay u qabteen M/weynaha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka.
Xildhibaanada baarlamaanka dowaldda KMG ayaa isku khilaafsan arrinta doorashada, waxaana ay kala taageersan yihiin M/weynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka.
SomaliSwiss     Muqdisho
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- The Transitional Federal Government (tfg) of Somalia Must Stand for Election. (somaliswisstv.com)
- Somali gov’t rejects UN efforts to hold elections. (somaliswisstv.com)
- Interview: Somali PM: We’ll push Islamist insurgents out of the capital in a year. (somaliswisstv.com)
- Somali gov’t prevents legislators from traveling (seattletimes.nwsource.com)
- Protection fees, stolen ammo extend Somalia’s war (foxnews.com)
- Protection fees, stolen ammo extend Somalia’s war (seattletimes.nwsource.com)
- Al-Shabab Forces Somalia Government to Postpone Elections until 2012 (waronterrornews.typepad.com)
- Somalia’s Puntland suspends security contractors (seattletimes.nwsource.com)
- Somali gov’t rejects UN efforts to hold elections (seattletimes.nwsource.com)
- Somali cabinet to stay in office (bbc.co.uk)
- Pirate: If Rescue Tried, Danish Family Will Be Killed (foxnews.com)
- Militiamen Retake Somali Town(online.wsj.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.