Halkaan ka akhri
Ergeyga Dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Matt Pao ayaa ka hadlay khilaafka madaxda hay’adaha Dowladda KMG ah iyo xilliga kala guurka, wuxuuna wakiilku caddeeyay mowqifkiisa ku aadan qaabka loo wajahayo isbedelada siyaasadeed ee xilliga kala guurka Xukuumadda Soomaaliya, isagoona sheegay in dowladiisu taageereyso go’aano wadajir ah oo madaxda sare ay ka gaareen isbedelada xilliga kala guurka.
Sidoo kale Ergeyga wuxuu sheegay Dowladda Ingiriiska uu qaabilsan arrimaha Soomaaliya in xukuumadda KMG ah haddii aanay la imaan qorshe cad oo loogu gudbi karo isbedel dalka ka dhaca aanay iyagu taageeri doonin haddii muddo hal sano loogu kordhiyo inay sii shaqeyso, isagoona ugu baaqay xukuumada inay keento qorshe cad kahor muddo kordhinteeda halka
sano ah.
Mr. Matt Pao oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Ma taageeri doono muddo kordhinta Dowladda ee halka sano ah haddii aanay la imaan qorshe cad oo isbedel ka dhalin kara Soomaaliya” wuxuuna rajeeyey inuu filayo madaxda hay’adaha Dowladda KMG inay isku waafaqaan go’aan kasta oo looga gudbayo marxalada xilliga kala guurka.
Dhanka kale Ergeyga oo wakiilka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya oo ka hadlayay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee ay isaga soo horjeedaan ciidamada Dowladda iyo AMISOM kula jiraan xarakada Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu taageerayo istiraatiijiyada xilligan uu ku socdo dagaalka Muqdisho oo uu sheegay in dhowaan la soo afjari doono Al-Shabaab.
“Sida muuqata istiraatiijiyada siyaasadeed iyo kuwa Milateri ee Muqdisho waa laga adkaanayaa dhowaan Al-Shabaab” ayuu yiri Mr. Matt Pao wakiilka Ingiriiska ee Soomaaliya oo dhinaca kale sheegay in hadal dhowaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Dowladda Ingiriiska
ee sheegayay inay Soomaaliya dib uga furanayaan safaarad, ayuu sheegay wakiilku in warkaasi uu tilmaamayo laba qorshe oo dowladiisu dooneyso.
Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in dowladii ka dhalata dalka Soomaaliya ay  taageerayaan, wuxuuna sheegay in Soomaaliya oo nabad ka dhacda ay la mid tahay nabad ka dhacda wadamada gobolka, wuxuuna Mr. Matt Pao wuxuu kaloo uu sheegay in kala dambeyn iyo xasilooni Soomaaliya ka dhacda ay farxad gelin doonaan shacabka wadamada Soomaaliya iyo Inigiriiska.
SomaliSwiss     Muqdisho
Related articles
- Al-Shabab Forces Somalia Government to Postpone Elections until 2012 (waronterrornews.typepad.com)
- Interview: Somali PM: We’ll push Islamist insurgents out of the capital in a year. (somaliswisstv.com)
- Harakat al-Shabab & Somalia’s Clans (thewasat.wordpress.com)
- Egypt after Mubarak: Talking to the Muslim Brotherhood. (slate.com)
- Mixed blooded Myanmar political and military leaders (drkokogyi.wordpress.com)
- Myanmar prisoner clemency slammed as ‘pathetic’ (seattletimes.nwsource.com)
- Burma frees 14,600, but few political prisoners (ctv.ca)
- Myanmar president announces clemency for prisoners (foxnews.com)
- How a modest council worker from Camden came to be the Mayor of Mogadishu. (somaliswisstv.com)
- Al Qaeda, Learning From Pirates, Could Seize Tankers For 9/11-Style Attack: PM (huffingtonpost.com)
- Somali Islamists could grab tankers for attacks: PM (reuters.com)
- Somali Islamists could grab tankers for attacks (theglobeandmail.com)
- Great Britain: Requiem for Rosa’s (time.com)
- In sum, here’s how three displaced people “saw” Britain’s pomp (thedisplacednation.com)
- Trapped and beaten (bbc.co.uk)
- The King Of The Ferret Leggers: The Classic Tale Of Sportsmen Who Put Carnivores Down Their Pants [Blood Week] (deadspin.com)
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah.(somaliswisstv.com)
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.