Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalda Muqdisho ayaa sheegaya in saakay ay dagan tahay xaalada magaaladaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhaceen dagaalo xooggan oo u dhaxeeyay ciidamda dowlada KMG Somaaliya oo garab ka helaya AMISOM iyo Xarakada Al Shaaab, waxana dagaalkii shalay ka dhacay degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir guulo kala shegtay dhinacyadii ay dagaaladu u dhaxeeyeen.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenral C/kariin Yuusuf Adan (Dhaga-badan) oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxaa uu guulo ka sheegtay dagaladii maalmihii ugu danbeeyay ka dhacay Magaalda Muqdisho.

Sidoo kale Jenraalku wuxuu shaaca ka qaaaday in ciidamada dowlada ay wiiqeen inta badan awoodii Xarakada Al-Shabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dagaaladii ay ku qaaden Xarakada Al Shabaab  ay kasoo hoyeen guulo la taaban karo sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo isna  ka hadlayay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Muqdisho ayaa wuxuu dhinaciisa guulo ka sheegtay dagaladaasi, waxaana uu tilmaamay in duulaankii ay ku qaadeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM  ay fashilmeen.

Hase yeeshee waxaan jirin warar ka madax banana labadaaasi dhinac oo xaqiijinaya sheegashadooda xili inta badan dagaalada ka dhaca degmooyinka gobolka Banaadir ay saameen xoogan ku yeshaan dadka shacabka ah.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: