Meydka Imaam Maxamuud oo Muqdisho la keenay, si xushmad leh looga Aasay deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa Saakay ka socday magaalada Muqdisho Qabanqaabo aad u ballaaran oo Aas Qaran  loogu sameynayo Imam Maxamuud Imaam Cumar,  waxaana barqadnidii maanta  diyaaraddii sidday maydkiisa soo gaartay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Hase ahaatee Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, R/wasarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo dad Soomaalida magac ku dhex leh ayaa soo sagootiyay Meydka Imaamka oo saacadaha soo socda la soo gaarsiin doono Muqdisho, ayadoo ay la socdaan diyaaradda Meydka wadda   safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko.

Dhanka kale Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugayey diyaarna ku ahaa madaxda dalka qaarkood ay ka qeyb galayaan Aas Qaran  ee loogu sameynayo Marxuum Immaam Maxamuud  Imam Cumar.

Qaar ka mid ah Wasiiradda dowladda iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa ka qayb galay, waxayna Meyda Imaamka la soo qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho.Maydka Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa maanta lagu aasay deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo salaadda janaasada ay kuwada tukadeen xubno ay ka mid yihiin Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Imaam Maxamuud oo ahaa imaamka beelaha Hiraab iyo beesha Abagaal ayaa xanuun awgiis ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya laba casho ka hor.

“Samir iyo iimaan Allaha naga siiyo, gaadaashiina Alle nama fidneeyo, waxaana tacsi u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif oo hadal kooban jeediyay salaadda janaasadaha kaddib.

Ugu dmabeyn, maydka Imaamka ayaa lagu aasay deegaanka Jasiira iyadoo halkiii uu aaskiisa ka dhacay ay ka hadleen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka geeriyooday Imaamka.

Aaska Imaamka ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne aad u fara badan iyadoo inta badan dadku ay Alle uga baryayeen inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, hase yeeshee waxaa in la xusa mudan dadweynihii faraha badnaa oo Aaskaas ka soo qayb galay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: