Labo nin oo ganacsata ah oo xalay toogasho lagu dilay gudaha magaalada Boosaaso.

Halkaan ka akhri

Waxaa lagu soo warramayaa in gudaha magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ay  koox hubeysan  toogasho ku dileen labo qofood oo ganacsato ah.

Sida la wada ogsoon yahay deegaanada ay ka taliso maamul goboleedka Puntland waxaa mudooyinkii dambe laga dareemayay falal amni darro oo sii kordhayay, waxaase jiray dadaalo maamulka uu waday sidii loo sugi lahaa ammaanka.

Haddaba Labada qof ee ganacsatada ah ayaa habeenkii xalay waxaa lagu dilay gudaha magaalada Boosaaso, balse waxaan wali kala cadeyn sababta loo dilay, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilalkaas.

Waxaa Saaka ay howlgal baaritaan ah ay ka socdaan gudaha magaalada Boosaaso, kaas oo bilawday markii dilalka ay dhaceen habeenkii xalay.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in ciidanka ammaanka dhawr qof ku qabteen howlgalkooda, walina waa uu socdaa howlgalka si gacanta loogu soo dhigo dadkii dilalka ka dambeeyay.

Hase yeeshee Maamulka Puntland ayaa marar badan ku celceliyay hanjabaadyo ka dhan ah dadka falalka amni darro ka wada deegaanada ay ka taliso, waxaase wali aan wax badan soo kordhinin howlgalo ammaanka lagu sugayo oo maamulka uu sameeyay.

SomaliSwiss     Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: