Advertisements

Dowladda dalka Holland oo sheegtay in ay ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Dowladda Niderland ayaa sheegaya  inay diyaar u tahay in Ciidamo kula dagalaama Beriga burcad badeeda Soomaalida inay u dirto dalka Soomaaliya, hase ahaatee waxay  meesha ka saartay in burcad badeed ay yihiin Aargigixiso.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Niderland inay si aad ah u taageersantahay talo soo jeedintii ay ku dhawaaqeen dowladaha Ingiriiska iyo Jarmalka taasi oo ku aadaneyd in ciidamo lugta ah ay u diraan dalka Soomaaliya.

Heenis Haylan oo ah Wasiirka Gaashaanka ee dalka Niderland ayaa sheegay in ciidamadaasi loogu talagalay inay beriga kula dagaalamaan burcad badeeda Soomaalida, isagoo sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan awoodi karin inay dhulka kula dagaalamaan burcad badeeda Soomaalida.

Sidoo kale Heenis wuxuu sheegay in bisha July ee soo socota la geen doono dalka Soomaaliya Ciidamo isku dhaf ah oo ka socda dowladaha Jarmalka, Ingiriiska iyo Holland, wuxuuna intaasi ku daray inay jiraan wadamo kale oo qeyb ka noqonayo in beriga lagu dagaalamo burcad badeeda Soomaalida.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in burcad badeeda Soomaalida ay yihiin dhalinyaro aan haysan wax shaqo ah, isagoo carabka ku dhiftay in  taasi ay keentay inay ku dhaq dhaqaaqaan falal burcad badeednimo ah, waxaana uu meesha kasaaray in burcad badeeda ay xiriir la leeyihiin Ururo Aargigixiso ah.

Hase yeeshe Dowladda Holland ayaa la sheegay inay tahay dowladii ugu horeysay oo ka tirsan Midowga Yurub oo dalkeeda ku Maxkamadaysay burcad badeed Soomaali ah, waxaana xusid mudan in 19-qof oo burcad badeeda Soomaali ah ay haatan xukun sugayaal ku yihiin dalka Niderland.

SomaliSwiss     Amsterdam

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: