Dowladda Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamo ka qeyb qaata hawlaha nabadeynta u dirayso dalka Somalia.

Halkaan ka akhri

Wasiirka arrimaha dibadda wadanka Jabuuti Maxud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dawladfiisu ay dhawaan Soomaaliya u soo dirayso ciidamo ka qeyb qaata hawlaha ay ciidamada Midawga Africa ka wadaan  gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay inay diyaariyeen ciidamadii ay ugu talo galeen inay u soo diraan Soomaaliya, wuxuuna uu xusay in ciidamadaasi ay Soomaaliya imaanayaan dabayaaqada bishaan Maajo ama horaanta bisha soo socota ee Juun.

Hase yeeshee Wasiirku wuxuu tilmaamay inay dhawr jeer dib u dhac ku yimid qorshe ay ciidamada Jabuuti ku imaan lahaayeen gudaha Soomaaliya waxaana uu u sababeeyay inay diyaarinayeen ciidamada qalabkooda iyo tababarkooda.

Dhanka kale Mudane Max’ud Cali Yuusuf wuxuu sheegay inaysan ka cabsi qabin weerar kaga yimaada dhanka Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab, haddii ay arrimaha Soomaaliya soo fara galiyaan.

Mudane Max’ud Cali Yuusuf oo  hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waanu la dagaalamaynaa argagixisada xataa haddii aadan fara galin kuma daynayaan marka waa inaad meeshay joogaan aad ugu tagtaa”  sidoo kale wasiirku wuxuu  intaa ku dasaray in arrintaan uu go’aan ku gaaray Madaxweynaynaha Jabuuti, kadib markii ay dhawaantan ka wada hadleen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee haddii ay xukuumadda Jabuuti ka dhabeyso inay ciidamo u soo dirto dalka Soomaaliya waxay noqonaysaa dawladii Sadexaad oo Soomaaliya ciidamo u soo dirta iyadoona ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ay daagalo kula jiraan Xarakadda Al-Shabab.

SomaliSwiss    Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: