DAAWO SAWIRADA ASKARTA
Halkaan ka akhri
Madaxda ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa qirtay in dagaal ay shalay la galeen xarakada Al-Shabaab looga dilay laba askari oo ka tirsan ciidamada dalka Uganda.
Afhayeenka ciidamada AMISOM ee dhawaan shaqada bilaabay, Captain Badi Ankunda ayaa sheegay in dagaal xoog leh oo ay shalay la galeen kuwa xarakada Al-Shabaab ay uga dhinteen laba askari, waxaase uu taasi badalkeeda sheegay in ay tiro badan ka laayeen dhinaca Shabaabka.
Captain Badi Ankunda ayaa mar uu lahadlayay idaacada VOA-da waxaa uu yiri: “Haa waa run laba askari ayaa nooga dhimatay dagaalka oo ka dhacay Howl-wadaag iyo Hodan, waxaa uu ahaa mid socday saacado, laakin waxaan ku xaqiijinay in aan ku qabsanay fariisimo cusub”.
Askarta uu sheegay in laga dilay mid ka mid ah waxaa shalay galab saxaafada usoo bandhigay Sheikh Cali Maxmauud Raage oo ah afhayeenka xarakada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho.
Xarakada Al-Shabaab ayaa ciidi Carafada ee lasoo dhaafay waxaa ay dadka tusisay meydadka ku dhawaad 10 askari oo ay ku dileen dagaalkii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ku qabsadeen Wasaarada Gaashaandhiga.
Si kasta ha ahaatee maaha markii ugu horeysay oo ciidamo laga dilay Amisom ay saraakiishooda qirtaan, iyadoo dhinaca kalena Al-Shabaab dhallinyaro fara badan looga laayay dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Related articles
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Al-Shabaab leaders held a memorial service for bin Laden and vows revenge for his death. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Dowladda KMG ah oo xabsiga dhigtay Maxamad Dheere iyo 5 qof oo kale. (somaliswiss.wordpress.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Uganda & Burundi sends 3,000 more to somalia. (somaliswisstv.com)
- Barack Obama’s step-grandmother under police protection (telegraph.co.uk)
- Al Qaeda Threatens the Life of Barack Obama’s Grandmother in Kenya (themoderatevoice.com)
- ABC News: Barack Obama’s Grandmother In Kenya Threatened By Al Qaeda (mediaite.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- American Shabaab commander speaks at rally for Osama bin Laden in Somalia (longwarjournal.org)
- AMISOM Spokesman Rejects Hiiran Online Claims. (somaliswiss.wordpress.com)
- More than 20 killed in Mogadishu weekend fighting. (somaliswiss.wordpress.com)
- Obama’s Grandmother Personally Threatened by Al Qaeda…(abcnews.go.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.