Halkaan ka akhri
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa isagoo ku sugan Magaalada Kampala ee dalka Uganda tacsi qaran u diray geeridii ku timid Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Imaamka lagu xusuusan doono dadaalkiisa dhanka nabada, isagoo xusay in kaalintiisii dib u heshiisiin ee uu ka qaatay dalka intii colaadaha ay jireen, waxaana qoyskii iyo qaraabadii uu ka dhintay Alle u weydiiyay inuu samir iyo imaan ka siiyo.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa isna waxaa uu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Imaam Maxamuud, isagoo shee
gay in Imaamka uu ahaa Hogaamiye dhaqan aad looga qadarin jiray dalka oo dhan.
Dhanka kale Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna Imaamka uga baryay inuu janadii Fardowso eebe ka waraabiyo, waxaana uu tilmaamay in mudadii uu joogay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu ahaa nin inta badan ka qeyb qaatay dadaalada nabada.
Meydka Allaha u raxmadee Marxuum Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa lagu wadaa in dhowaan la keeno Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si loogu Aaso, iyadoo la filayo Aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss      Muqdisho
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Dowladda KMG ah oo xabsiga dhigtay Maxamad Dheere iyo 5 qof oo kale. (somaliswiss.wordpress.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London.(somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.