Halkaan ka akhri
Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan inay  cabsi ka qabaan inay xirmaan wadooyinka taga Suuqa Bakaaraha, kuwaas oo saamayn ku yeeshay dagaaladii ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, iyagoo walaac ka muujiyay in dagaaladaasi ay ku xirmaan Wadada Farjanno oo ah wadada kaliya furan  ee loo mara Suuqa Bakaaraha.
Arrintav ayaa timid Kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ay saamayn ku yeesheen wadada Farjanno ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa arinaasi ay saamayn ku yeelatay shacabka isticmaala wadadaasi oo ah tan kaliya ee loo mara Suuqa Bakaaraha.
Qaar ka mid ah dadka isticmaala wadada Farjanno oo Warbaahinta u waramay  ayaa sheegay in dhibaatooyinka ay ku qabaan Wadadaasi  kadib markii ay aagaas ka dhaceen dagaalada qaraar, kuwaas oo  ay sababeen in dadka isticmaala Farjanno ay kasoo gaarto waxyeelo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Axmed waxaa uu intaasi ku daray in dagaaladasi owgood ay baqdin ka qabaan inay xiranto wadada Farjnno oo uu sheegay in markii horeba ay dhibaato ku qabeen, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada isku horfdhiya wadadaasi inay joojiyaan rasaasta ay is weedaarsadaan taasi oo ay qasaaro kasoo gaarto dadka shacabka ah.
Si kasta ha ahaatee Dowladda iyo Xarakada Al-Shabaab ayaa u sabab ahaa xirnaashiyaha wadooyin laga gali jiray Suuqa Bakaaraha kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen wada Warshadaha, Sayidka iyo tan isku xirta Isgoysyada dabka iyo Bakaaraha taasi oo saamayn balaaran ku yeelatay isu socodka dadkii iyo gadiidkii gali jiray Suuqa Bakaaraha.
SomaliSwiss      Muqdisho
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Dowladda KMG ah oo xabsiga dhigtay Maxamad Dheere iyo 5 qof oo kale. (somaliswiss.wordpress.com)
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- What is japanese nobody (wiki.answers.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah.(somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.