“Tacsi“ Innaa lillaah wa inaa Ilaahi Raajicuun.

Halkaan ka akhri

Geerida waa xaq – Nafkastana wey  dhadhamineysaa; Sidaas darteed Madaxda iyo shaqaalaha bahda Warbaahinta Shabakada SomaliSwiss Radio iyo Website, waxay halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaan Ehelladii, Qaraabadii iyo Caruurtii ay ka tegtay marxuumad Fadumo Xirsi Xasan oo ku geeriyootay magalada london ee dalka UK, iyadoona waxaana  berri oo Jimca ah lagu aasi doono qabuuraha Muslimiinta ee magaalda London.

Hase yeeshee Bahda Warbaahinta Switzerland waxay si gaar ah tacsi ugu dirayaan  Maymuun Yusuf oo ah gabadha Marxuumadda iyo Saygeeda Mustaf Bashir gobdon oo degan magaalada Zürich ee dalkan Swiss-ka.

Alle ha u naxariistee Marxuumad Fadumo Xirsi Xasan, waxaan Ilaaheen uga baryeynaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo eheledii, Qaraabadii iyo Caruurtii ay ka tagteyna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. 

Sidoo kale dhammaanteen samir iyo iimaan Alle ha inaga wada siiyo, gadaasheedna Alle inama fidneeyo, Aamiin Aamiin Aamiin.

SomaliSwiss       Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: