Halkaan ka akhri
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN: Allaha u naxariistee waxaa caawa fiidkii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya Imaamka Beesha Mudullood Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo mudooyinkii u dambeeyay xanuunsanaa, laguna daaweynayay halkaasi.
Imaamka geeridiisa ayaa waxaa xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi Maxamed Cali Ameeriko iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ee kasoo jeeda Beesha Mudulood.
Imaamka ayaa la sheegay in mudooyinkan uu xanuunsanaa, isla markaana magaalada Nairobi dhowaan loogu qaaday arrimo la xiriira xaga caafimaadkiisa.
Allaha u Naxariistee Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa ka mid ahaa duubab dhaqameedyada caanka ka ahaa dalka Soomaaliya, sida weyna looga qadarin jiray, waxaa uu horay uga qeyb qaatay dadaalo nabadeed iyo xalinta khilaafaadka colaadihii dhex mari jiray Beelaha Soomaaliyed.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Meydka Imaamka loo qaadi doono magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya, xiliyada soo socda si loogu aaso dhulkiisa.
Imaamka ayaa dhowaan hadal uu ka jeediyay Magaalada Muqdisho waxaa uu ku habaaray xarakada Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada Amisom, isagoo dowladda ku booriyay inay dalka ka saarto.
SomaliSwiss Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com
Related articles
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London. (somaliswisstv.com)
- Dowladda KMG ah oo xabsiga dhigtay Maxamad Dheere iyo 5 qof oo kale. (somaliswiss.wordpress.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah.(somaliswisstv.com)
Filed under: Admins |
You must be logged in to post a comment.