Golaha amaanka Qaramada Midoobay oo walaac ka muujiyay xaaladaha siyaasadeed ee dalka Somaliya.

 Halkaan ka akhri

 Kulankii  gaar ahaa ee loogu hadlayey arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay oo ay yeesheen 15 xubnood ee golaha amniga ayaa war murtiyeed laga soo saaraykadib markii kulankaasi  la soo gabagabeeyey, waxaana la  sheegay in goluhu si weyn uga xun yahay khilaafka siyaasadeed ee xilligaan ka dhex jira madaxda dawlada KMG ee Soomaaliya

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay walaac ka muujiyeen amaan xumida iyo qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira, waxayna ugu baaqeen madaxda dawlada sida Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan u xaliyaan khilaafka u dhaxeeya isla markaana ay ku dhaqamaan dastuurka dawladda u dagsan.

Sidoo kale Qaramada Midoobay  ayaa  kasoo horjeesatay waqti kordhinta Baarlamaanka iyo golaha wasiiradda waxaana lagu baaqay in doorashooyin laga qaban qabiyo dalka Soomaaliya marka la gaaro bisha August ee sanadkaan.

Dhanka  kale wakiilka Qaramada Midoobay  ee arrimaha Soomaaliya Ambassador Agustina Mahiga oo ku

lanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay walaac ku abuurayso xaaladaha Soomaaliya xilligaan ka jira.

Khilaafka la xiriira waqtiga ay jirayso dawlada KMG ee Soomaaliya ee u dhaxeeya dawlada ayaa sii kordhay iyadoona xildhibaanada iyo golaha wasiiraduba ay waqtiyo ku darsadeen xilliga ay jirayaan.

SomaliSwiss      New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: