Halkaan ka akhri
 Kulankii  gaar ahaa ee loogu hadlayey arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay oo ay yeesheen 15 xubnood ee golaha amniga ayaa war murtiyeed laga soo saaraykadib markii kulankaasi la soo gabagabeeyey, waxaana la sheegay in goluhu si weyn uga xun yahay khilaafka siyaasadeed ee xilligaan ka dhex jira madaxda dawlada KMG ee Soomaaliya
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay walaac ka muujiyeen amaan xumida iyo qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira, waxayna ugu baaqeen madaxda dawlada sida Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan u xaliyaan khilaafka u dhaxeeya isla markaana ay ku dhaqamaan dastuurka dawladda u dagsan.
Sidoo kale Qaramada Midoobay  ayaa kasoo horjeesatay waqti kordhinta Baarlamaanka iyo golaha wasiiradda waxaana lagu baaqay in doorashooyin laga qaban qabiyo dalka Soomaaliya marka la gaaro bisha August ee sanadkaan.
Dhanka  kale wakiilka Qaramada Midoobay  ee arrimaha Soomaaliya Ambassador Agustina Mahiga oo ku
lanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay walaac ku abuurayso xaaladaha Soomaaliya xilligaan ka jira.
Khilaafka la xiriira waqtiga ay jirayso dawlada KMG ee Soomaaliya ee u dhaxeeya dawlada ayaa sii kordhay iyadoona xildhibaanada iyo golaha wasiiraduba ay waqtiyo ku darsadeen xilliga ay jirayaan.
SomaliSwiss     New York
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Dowladda KMG ah oo xabsiga dhigtay Maxamad Dheere iyo 5 qof oo kale. (somaliswiss.wordpress.com)
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London.(somaliswisstv.com)
Filed under: New York |
You must be logged in to post a comment.