Halkaan ka akhri
Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain William Hague ayaa maanta ka sheegay magaaladan London ee caasimadda wadanka boqortooyada Ingiiriska inay safaarad ka furan doonto wadanka Soomaliya kadib markii ay taabo qaado dowladda cusub ee ka dhalan doonto dalka Soomaliya doorashada lagu dooranayo masuuliyiinta sarsare ee dowladda oo dhowaan dhici doonto.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Mr.William Hague ayaa intaasi ku daray inay taageerada buuxdo ay la garab istaagan tahay sidii wadanka Soomaliya xasilooni iyo amaan rasmi ah loogu soo celiyo sida la dagaalanka Argagixisada iyo kooxaha falaagada ah ee burcad badeedka ah.
Dowladdan wadanka Britain ayaa ka mid ah wadamada dhaqaalaha badan ku bixiya kaalmada baniaadinimada ee loo fidiyo wadanka Soomaliya iyo weliba dhaqaalaha ku baxa ciimada nabad ilaalinta ee Midowga Yurub ee ka howlgala dalka Soomaliya. Sidoo kale, wadanka Britain waxaa uu xubin muhiim ah ka yahay ururka Midowga Yurub oo ayagu dhowaan sheegay haddii aan la qaban doorashada dhowaan lagu dooranayo masuuliyiinta sarsare ee dowladda inay gebi ahaan istaajin doonaan kaalmadii ay siin jireen wadanka Soomaliya iyo dhaqaalahii ku bixi jiray ciidamada AMISOM.
SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com
Related articles
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Dowladda KMG ah oo xabsiga dhigtay Maxamad Dheere iyo 5 qof oo kale. (somaliswiss.wordpress.com)
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London. (somaliswisstv.com)
Filed under: London UK |
You must be logged in to post a comment.