Wakiilka Midawga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo shaaciyey in ay kulan gaar ah ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Mr. Jerry John Rawlings oo ah Wakiilka ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha wadanka Soomaaliya ayaa sheegay in Midawga Africa uu kulan gaar ah oo ku saabsan arrimaha wadanka Soomaaliya ay dhawaan ku yeelanayaan  magaalada Addis-Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia.

Sidoo kale Wakiilku wuxuu sheegay in kulan oo ujeedkiisu yahay dib u eegida xaalada Soomaaliya xilligaan in si gaar ah xooga loogu saari doono taageerida xukuumadda KMG ee Soomaaliya iyo ciidamada nabad illaalinta ah ee AMISOM.

Sida lagu soo warrama Kulankaan  ayaa wuxuu  furmi doona maalinta Khamiista oo berri ah , wuxuuna socon doona illaa iyo jimcaha, wuxuuna sheegay ergeygu in kulankan ay goob ka noqon doonaan xubno ka tirsan golaha amaanka iyo nabad galyada Midawga Africa.

Mr. Jerry Rawlings wuxuu tilmaamay in Soomaaliya xilligaan ay ka jiraan hor maro ay sameynayaan ciidamada dawlada iyo taageerayesheeda, loona baahan yahay in la gacan siiyo waxaase uu ka gaabsaday inuu ka hadlo arrinta la xariirta khilaafka xilligaan ka dhex jira madaxda ugu sar sareysa dawlada KMG ee Soomaaliya

Walta Information oo ah Wakaaladda wararka u faafisa ee Ethiopia ayaa ku waramaysa in kula

nkaan ay sidoo kale ka qeyb gali doonaan madax ka tirsan wadamada beesh a caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya iyo gudi ka tirsan urur goboleedka IGAD.

SomaliSwiss   Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: